Xog cusub oo kasoo korortay khasaaraha weerarro ka dhacay gobolka Banaadir.

Sunday October 04, 2026 - 18:04:22
MeMO Staff
Sida ay xogtu tibaaxayso, hawl-gal qarax ah ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen xaafadda DaaruSalaam ee caasimadda Muqdisho.
Qaraxan ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Gurguurte.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhaawaca ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii lagu qarxiyey gaariga.

Geesta kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday khasaaraha qarax ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, kuwaas oo khasaare kala duwan soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Gurguurte, halka 3 askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mida askarta geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray, Saadaq Jiis, halka sidoo kale askarta dhaawacantay uu ku jiro sarkaal laba xiddigle ah oo lagu magacaabo Cunaaye.

Related Items

Update cookies preferences